Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka La Liga iyadoo kulammo kale harsan yihiin

0
411

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Espanyol, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, Los Blancos ayaa kaddib guushan ay gaartay loogu caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaalka Spain ee xilli ciyaareedkan 2021/2022, waana horyaalkeedii 35-aad ee La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 33-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Rodrygo kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Marcelo.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana markale 2-0 ka dhigay da’ayarkeeda Rodrygo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Marco Asensio oo caawin ka helay saaxiibkiis Eduardo Camavinga ayaa daqiiqadii 55-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Real Madrid wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Daqiiqadii 81-aad K. Benzema ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Vinícius Júnior.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Espanyol oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, kaddib guushan ay gaartay Los Blancos ayaa loo caleemo saaray koobka horyaalka Spain ee xilli ciyaareedkan 2021/2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here