Dalbadayaasha doonaya inay iibsadaan Chelsea oo la hordhigay shuruud cusub

0
263

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Musharraxiinta ugu cadcad ee isugu soo haray inay iibsadaan kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lasoo warinayaa in lagu war geliyay shuruud hore leh oo la xiriirta inaysan kooxda iska sii iibin karin 10 sano gudahood.

Iyadoo dalabaadkii ugu dambeeyay dhowaan la gudbiyay markii dib loo agaasimay, haddana bangiga dalka Mareykanka laga leehaya ee loo wakiishay iibinka naadga Blues ee Raine Group ayaa rajeynaya inuu sii kala shaandheeyo dadka u qalma in laga iibiyo kooxda labada jeer qaadday tartanka kooxaha Yurub ee Champions League.

Sida laga soo xigtay Sky News, shuruudo hor leh ayuu soo gudbinayaa bangiga Raine Group kaasoo ka taxaddaraya inaan kooxdan suuqa lasoo dhigin xilli dhow ama sanadaha dhow ee soo aaddan, waxaana intaas sii dheer inuu bangiga doonayo inay kooxda baaqi kusii ahaato ka mid ahaanta kooxaha ugu sarreeya kubadda cagta qaaradda Yurub.

Sida haatan uu xaalku yahay, shirkado si koox-koox ah isugu tagay oo ay kala hoggaaminayaan Todd Boehly, Sir Martin Broughton iyo Stephen Pagliuca ayaa isugu soo haray loollanka loogu jiro iibshada kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge, waxayna sugayaan go’aan qaadashada bangiga dalaalka ah iibinta kooxda Chelsea.

Maal-qabeenka reer Russia ee Roman Abramovic ayaa go’aansaday inuu suuqa soo dhigo kooxdiisa kaddib markii uu cadaadis xoog leh kala kulmay dowladda Ingiriiska taasoo markii dambe cuno-qabateyn kusoo rogtay guud ahaan hantidiisa taallada dalkaas oo ay Chelsea qayb ka tahay iyadoo arrintaasi ay salka ku heyso dagaalka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine kaasoo dhaliyay inuu caalamka oo idil la safto Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here