Rayo Vallecano oo saddexda dhibcood ka soo heshay Barcelona oo ay ku booqatay Camp Nou

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Rayo Vallecano ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Barcelona oo ay ku booqatay Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Rayo Vallecano.

Daqiiqadii 7-aad kooxda Rayo Vallecano ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Álvaro García Rivera, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Isi Palazón.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Rayo Vallecano, kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonkeeda Camp Nou, Barca ayaa kaddib guuldarradan waxay wali ku jirtaa kaalinta labaad waxayna leedahay 63 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here