Qiimaha sarreenka ee dunida oo kor u kacaya iyo Hindiya oo kor u qaadaysa sarreenka ay dhoofiso.

0
230

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee soo saara sarreenka dunida ayaa la filayaa inuu kor u qaado xaddiga sarreenka ama qamaddida ee uu suuqyada caalamka u dhoofiyo, ka dib markii uu meesha ka baxay sarreenkii ka iman jiray dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Dalka Hindiya ayaa haatan sarreenka uu soo saaro u iibgeeya suuqyada dalalka Bangladesh, Sri Lanka iyo qaar ka mida dalalka Bariga Dhexe.

Hase ahaatee Hindiya ayaa haatan doonaysa inay sarreenka ay soo saarto u iibgeyso suuqyada Afrika iyo Asia maadaama uu yaraaday sarreenkii ka iman jiray dalalka Ruushka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here