Real Madrid oo guul soo laabasho ah ka soo gaartay kooxda Sevilla oo ay booqatay

0
239

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay ku booqatay garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Sevilla.

Daqiiqadii 21-aad kooxda Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee Ivan Rakitić.

25 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Sevilla ayaa dhalisay goolkeeda labaad, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddigooda Érik Lamela oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Jesús Manuel Corona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Rodrygo kaddib markii ay caawin kaga timid Dani Carvajal.

83 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay Nacho Fernández oo caawin ka helay Dani Carvajal.

Daqiiqadii 90 + 2-aad Karim Benzema oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Rodrygo ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay Real Madrid, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 oo ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Sevilla oo ay booqatay, Los Blancos ayaa ku hoggaamineysay kala sareynta horyaalka La Liga 75 dhibcood, waxayna 15 dhibcood ka sareysaa Barcelona oo kaalinta labaad fadhisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here