Dooni tahriibayaal saarnaayeen oo ku degtay badda Liibiya.

0
230

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lix qof oo mayd ah ayaa la helay, sagaal iyo labaan kalena waa la la’yahay, kuwaas oo loo malaynayo inay dhinteen, ka dib markii doontii ay la socdeen kula dagtay xeebaha Liibiya.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada qadiimiga ah ee xeebta Sabratha. Waxaa loo malaynayaa in dadka doonida ku le’day ay doonayeen inay u tallaabaan Yurub.

Afhayeen u hadlay IOM ayaa intaa ku daray in sannadkan oo keliya ku dhawaad shan boqol oo muhaajiriin ah ay dhinteen iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, ugu yaraan 53 qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen xeebaha Liibiya.

Horaantii bishana, in ka badan 90 qof oo la socday doon buux-dhaaftay ayaa ku qaraqmay badda Mediterranean-ka, maalmo kadib markii ay ka tageen Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here