Joan Laporta oo si caro leh kaga hadlay kaddib markii ay Barcelona isaga hartay tartanka Europa League

0
237

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)IMadaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay naadiga Eintracht Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa jaratay tikitkeeda wareega Afarta ee Europa League kaddib markii ay ka ciribtirtay Barcelona oo ay kaga soo adkaatay 2-3, kulankii lugta labaad ee wareega siddeeda, iyadoo celcelis ahaan ku soo baxay 3-4.

Laporta ayaa ayaa sheegay in joogitaanka ku dhawaad 20,000 oo taageere kooxda Frankfurt ah garoonka Camp Nou, ay keentay in Barcelona ay lumiso faa’iidada buuxda ee ciyaarta, iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda iyo taageerayasheeda hortooda.

Haddaba wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, kaddib ciyaarta wuxuuna yiri:

“Waan ka walaacsanahay sababtoo ah waxa dhacay waa wax laga xishoodo oo aan markale dhici karin, waxaan haynaa xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen, waxaana u baahanahay waqti aan ku xalinno arrinta.”

“Ma ogolaan karno xaaladdan oo kale, waa inaan noqonaa kuwo aad u adag, waxaan dabagal ku sameyn doonaa wixii ka dhacay waaxda amniga iyo tigidhada.”

“Kuwani waa xaalado aan la aqbali karin, marka aan farsameyno dhammaan macluumaadka, waxaan sharxi doonaa arrinta oo aan qaadi doono tallaabooyin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here