Daadadka ku soo rogmaday qaybo ka mid ah Koonfur Afrika oo khasaare weyn dhaliyey

0
222

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tirada dhimashada gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa gaartay in ka badan 250 qof, ka dib markii daadad khasaare geystay ay halkaas ku soo rogmadeen.

Maamulka deegaanka ayaa ku baaqaya in lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah, kadib markii deegaanada qaar ay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Saraakiisha ayaa ku tilmaamay “mid ka mid ah duufaanadii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalkaas”.

Dhiiqo ay daadadku soo rogeen ayaa dadka ku hoos xayirtay dhismayaasha, iyadoo la filayo in daadad kale ay soo rogmadaan.

Waxaa jira warar sheegaya in caqabadda ugu wayn ee hortaagan dadaallada samata bixinta ay tahay iyadoo aan waxba la arki karin waxayna diyaaradaha qummaatiga u kaca ay sii wadaan in ay dadka u daad gureeyaan meel ammaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here