Maroodi durduro ku dilay nin cilmi-baare ah.

0
229

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Nin cilmi-baare ah oo u dhashay dalka Colombia ayaa geeriyooday kadib markii uu ku durduriyay Maroodi ku jira beerta xayawaanaadka ee dalka Ugandha.

Sebastián Ramírez Amaya, oo ka tirsan jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa cilmi-baaris joogto ah ka waday kaynta beerta waxaana la joogay xilliga ay wax dhaceen koox isaga ka caawinaysay howsha barista.

Weerarkaan uu Maroodigu ka gaystay beerta xayawaanaadka ee Kibale ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 50 sano laga joogo oo halkaa ka dhaca .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here