Barcelona oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Levante oo ay booqatay

0
199

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Levante oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3 ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Levante iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad kooxda kubadda cagta Levante ayaa loo dhigay waxaana gool u badelay xiddigooda José Luis Morales, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Balse daqiiqadii 59-aad Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Aubameyang oo ay caawin kaga timid Ousmane Dembélé.

Pedri ayaa daqiiqadii 63-aad wuxuu dheesha ka dhigay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gavi.

Daqiiqadii 83-aad kooxda kubadda cagta Levante ayaa waxaa markale loo dhigay rigoore José Luis Morales ayaa markale u badelay gool, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-2.

Laakiin daqiiqadii 90 + 2-aad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha iyadoo uu Luuk de Jong uu ciyaarta ka dhigay 2-3, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis J. Alba

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhammaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Levante oo ay booqatay, Barca oo ku jirta kaalinta labaad ayaa waxay leedahay 60 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here