Real Madrid oo garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Getafe

0
237

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Getafe, kaddib markii ay ku garaacday 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 38-aad Real Madrid ayaa la timid gool waxaana dheesha 1-0 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe Casemiro, kaddib markii ay caawin kaga timid V. Junior.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

68 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Lucas Vázquez oo caawin ka helay saaxiibkiis Rodrygo ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Getafe oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos oo si raaxo leh ku hoggaamineysa dhanka kala sareynta horyaalka ayaa waxay leedahay 72 dhibcood, waxayna 12 dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta labaad ee Sevilla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here