Mohamed Salah Oo Qarka U Saaran In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

0
274

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaran yahay in uu heshiis cusub ka saxiixo Liverpool kaas oo ku sii hayn doona kooxda Liverpool ilaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisan doono.

Heshiiska xiddiga 29 jirka ah ayuu heshiiskiisa haatan ee Liverpool dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga kuwaas oo si dhaw ula socday xaalada xiddiga reer Masar.

Si kasta ha haaatee Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Salah ugu dambayn ku dhawyahay in uu heshiis nolosha ah u saxiixo kooxda Liverpool isaga oo sii joogi doona koonta inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed.

Wararayaa intaas ku daraya in uu Salah iska dhaafay dalabkii mushaharka 500 kun ee Gini ahaa ee uu markii hore daawanayay maadama muhiimadiisa ugu weyn tahay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here