Maalinta Qaaxada adduunka Oo Maanta laga xusayo Dunida.

0
454

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sannad kasta, waxaan xusnaa maalinta Qaaxada Adduunka ee 24-ka Maarso si kor loogu qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad, bulsho iyo dhaqaale ee TB-da, iyo in la kordhiyo dadaallada lagu soo afjarayo faafitaanka cudurka Qaaxada ee adduunka.

Taariikhdu Markeey ku beegneed sannadkii 1882-kii ayuu Dr Robert Koch uu ku dhawaaqay inuu helay bakteeriyada keenta TB-da, taasoo waddada u furtay in cudurkan lagu baaro lagana daweeyo.

Qaaxada ayaa weli ah mid ka mid ah dilaaga ugu badan adduunka bulshooyinka kunool Maalin kasta, in ka badan 4100 oo qof ayaa naftooda ku waaya TB ku dhawaad 28,000 oo qof ayaa la bukoodaa cudurkan laga hortagi karo oo la daweyn karo. Dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo Qaaxada ayaa ah kuwa aad ubadan waxaana lagu qiyaasay 66 milyan oo qof tan iyo sannadkii 2000. Si kastaba ha ahaatee, masiibada COVID-19 ayaa beddeshay horumarka sannado badan laga gaaray dagaalka lagu joojinayo Qaaxada,markii ugu horreysay muddo toban sano ka badan, dhimashadu waxay korodhay 2020.

Mawduuca Maalinta Qaaxada Adduunka 2022 – ayaa ah waa muhiim ‘Maalgelinta si loo joojiyo Qaaxada. Badbaadinta Nolosha.’ – waxa ay soo bandhigtaa baahida degdegga ah ee loo qabo in la maalgeliyo agabka si kor loogu qaado dagaalka lagula jiro Qaaxada oo loo gaaro ballanqaadyada lagu joojinayo Qaaxada ee ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha caalamka.

Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay marka la eego macnaha guud ee masiibada COVID-19 ee hakadka gelisay horumarka TB-da oo ah cudur dadka khatar badan haya.
Maalinta Qaaxada Adduunka waxa ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka u samaysay in lagu faafiyo aqoonta iyo wacyigelinta Qaaxada oo ah cudur la kala qaado oo sannad kasta u dhinta malaayiin qof.

Qaaxadu si fudud ayaa loo daweyn karaa, laakiin waxay jiifsan kartaa oo aan la ogaan sannado, sidaas darteed waa muhiim in la faafiyo wacyigalin ku saabsan qaabab looga hortago iyo sida loo qaato daawada kadib marka uu qofka xanuunku asiibo.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa 24-ka Maarso u doortay maalinta Qaaxada Adduunka si loo xuso maalintii Dr. Robert Koch uu helay TB Bacillus oo ah bakteeriyada ka masuulka ah cudurkaan.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mathey Nur War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here