Juventus Oo Badalka Paulo Dybala Ka Doonaysa Liverpool.

0
396

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ku riyoonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Juventus ayaa Mohamed Salah u calaamadsatay badalka Xiddiga Paulo Dyabal kaas oo la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhankiisa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Kooxda.

Tababaraha Juventus ee Max Allegri ayaa la rumaysanyahay in uu taageere weyn u yahay xiddiga reer Masar isla markaas doonayo in uu kooxdiisa keeno marka uu furmo suuqa xagaaga.

Juventus ayaa haatan dajinaysa qorshaha ay ugu dhaqaaqi lahayd saxiixa Mohamed Salah xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay ugu buuxiso booska Dyabala marka uu ka tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here