Arsenal, Man United, Tottenham Mise West Ham? Martin Keown Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Dhamaysan Doonta Kaalinta 4-aad Ee Premier League.

0
217

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu sheegay in ay Tottenham haysato fursad ka fiican Arsenal u soo bixista kaalinta 4-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenala ayaa guul ka gaadhay kooxda Aston Villa iyaga oo uga mahad-celinaya Bukayo Saka oo dhaliyay goolka ay ku badisay kooxda Arsenal iyaga oo sii xoojiyay fursadohooda ku guulaysiga kaalinta 4-aad ee premier League.

“Wali waxa jira kulamo badan oo hadhsan, walina Tottenham ayaa ugu cad-cad ku dhamaysiga kaalinta 4-aad”ayuu Keown yidhi ciyaarta Arsenal kadib.

“Arsenal ayaa hogaaminaysa u soo bixista kaalinta 4-aad laakiin marka aad eegto kulamada u hadhay ee ay waliba martida u noqon doonto Chelsea iyo Tottenham waa kulamo adag”.

Arsenal ayuu baaqi u yahay hal kulan kadib markii ay ciyaartay laba ka mid ah kulamadii baaqi u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here