Kooxaha U Soo Baxay 8 Dhamaadka Champions League Oo Dhamaystiran

0
270

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa si Rasmi ah loo soo dhamaystiray wareega 16-ka tartanka champions league kadib markii la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee lugta 2-aad ee tartanka.

Waxa la xaqiijiyay 8-da kooxood ee iska xaadiriyay wareega Quarter-final-ka tartanka champions League kuwaas oo haatan sugi doonaa isku aadka la samayn doono maalinta jimcaha.

Kooxaha Villarreal iyo Benfica ayaa ah kooxaha lama filaanka ah ee soo gaadhay wareegan kadib markii ay reebeen kooxaha Juventus iyo Ajax inkasta laga fiicnaa labadii kulan ee ay ciyaareen.

Wareegan waxa iska xaadiriyay 3 kooxood oo England ah, 3 kooxood oo Spain ah, hal koox oo Portugal ah iyo hal koox oo Germany ah.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Kooxaha iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka:

FC Bayern

Manchester City

Liverpool FC

Chelsea FC

Real Madrid

Atlético Madrid

Villarreal CF

SL Benfica

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here