Barcelona Oo Qarka U Saaran Dhamaystirka 3 Saxiix Oo Muhiim Ah.

0
206

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata kuwo aan wakhti iska luminayn waxana ay durba bilaabeen in ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub iyada oo kooxda reer Catalan doonayso in ay ku soo laabato ku guulaysiga horyaalka iyo champions League.

Mar kale madaxweynaha Barcelona ayaa bartilmaameedanaya xiddigaha xorta ah si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe isla markaas uuna u bixin lacag badan.

Iyada oo xiddigaha Andreas Christensen & Franck Kessie haatanba heshiis la gaadheen Barcelona marka uu dhoco heshiiskooda kooxaha Chelsea iyo Ac Milan.

Xiddiga saddexaad ee ay Barcelona doonayso ayaa ah xiddiga kooxda Ajax ee ka ciyaara daafaca Midig ee Noussair Mazraoui kaas oo isna qaab xor ah lagu heli karo.

Heshiiska ay Barcelona kula wareegayso xiddiga Noussair Mazraoui ayaa ku dhaw in la dhamaystiro iyada oo ay ka dhimantahay kaliya is af-garad la’aan yar oo la xalin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here