Middlesbrough Oo Weerar Culus Ku Qaaday Chelsea, Kadib Codsigii Chelsea Ee FA Cup-ka.

0
218

Kooxda Middlesbrough ayaa weerar culus ku qaaday kooxda Chelsea kadib markii ay Blues dalbatay in kulankooda lagu ciyaaro bilaa taageerayaal.

Chelsea ayaa shaacisay in ay ku dhibaatoonayso iibinta tigidhada kulanka sidaas darteed ay FA-ga ka codsatay in kulanka lagu ciyaaro bilaa taageerayaal.

“Waxaan la soconaa codsiga Chelsea ee ah in sabtida Emirates FA Cup wareega lixaad lagu ciyaaro Bilaa taageerayaal waxana aan dalabkooda u aragnaa mid la yaab leh oo aan wax faa’iido ah lahayn”.

“Dhammaan dadka ay khuseyso ayaa si fiican uga warqaba sababaha Chelsea loogu ganaaxay iyo in tani aysan wax shaqo ah ku laheyn Middlesbrough Football Club”.

“Soo Jeedintan waa mid cadaalad darro u ah taageerayaasha kooxdeena oo aan waliba wax aasaas ah lahayn”.

“Marka la eego sababaha cunaqabatayntan, in Chelsea ay raadiso inay ku baaqdo “Hufnaanta ciyaaraha” in ay tahay sababta ay u doonayso in lagu ciyaaro bilaa taageerayaal waa mid la yaab leh”.

“Haatan waxa aan warbixin ka sugaynaa FA-ga iyo talaabada aan qaadi doono laakiin waxa aan taageerayaasheena u balan-qaadaynaa in aan diidi doono codsiga la yaabka leh ee chelsea”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here