Nin mid ka mid ah keliyihiisa ugu deeqay qof uusan aqoon.

0
356

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Caasim Axmed oo 35 jir ah kana soo jeedo magaalada Newcastle dalka Ingiriiska ayaa mid ka mid ah kalyahiisa ugu deeqay qof uusan garaneyn.

Tan iyo markii uu dunida saameeyay caabuqa Covid-19 waxaa uu hoos u dhacday tirada dadka kelyahooda ugu deeqayo dadka kale ee xanuunsan ee markaa baahida u qabo.

Waaxda adeegga qaran ee UK ayaa ugu baaqday shacabka dalkaas inay ka fakaraan sidii ay deeq ahaan ugu bixin lahaayeen kelyahooda isla markaana ay tahay in go’aankaa ay la wadaagaan ehelkooda ama asxaabtooda.

Caasim wuxuu sheegay in arrintani ay fududatahay balse ay sidoo kale tahay dooq si taxadar leh looga baaraandegi karo.

In ka badan 4,600 qof oo ay kamid yihiin 100 carruur ah oo ku nool gudaha UK ayaa waxay sugayaan in keli logu deeqo.

Safmarka Karoona wuxuu horseeday in wax ka yar 1,100 qof loogu deeqay kelyaha intii u dhexeyso 2020-21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here