Juventus Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Arsenal

0
392

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Thomas Partey ka afduubato kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Xiddigii hore ee Atletico Madrid ayaa markii hore ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican laakiin waxa uu haatan soo bandhigayaa qaab ciyaareed fiican.

Partey ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah xiddigaha laf dhabarta u ah Arsenal isaga oo lamaane cajiib ah la dhisay Granit Xhaka khadka dhexe ee Arsenal isaga oo ku bilowday 19 kulan oo Premier League ah.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa dhaliyay hal gool 4 kalena caawiye ka noqday 55 kulan oo uu u ciyaaray Arsenal tartamada oo dhan tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus isku dayi doonto sidii ay u heli lahayd saxiixa Partey xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here