Chelsea Oo Laga Yaabo In Ay Dhamaysan Kari Waydo Xilli Ciyaareedka

0
187

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ayna awoodi karin dhamaystirka xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha cunaqabataynta dusha laga saaray milkiilaha kooxda Roman Abramovic.

Xukuumada UK ayaa milkiilaha kooxda Roman Abramovic dusha ka saartay cunaqabatayn maadama uu xidhiidh dhaw la leeyahay madaxweynaha dalka Russia kadib dagaalkii uu ku qaaday Ukriane.

Wararka ayaa sheegaya in la joojiyay baankii ay kooxdu adeegsan jirtay ee ay taalay lacagta loogu shaqeeyo kooxda lagana bixin jiray mushaharka shaqaalaha kooxda, shidaalka baska kooxda iyo wax la mid ah.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ayna chelsea awood u lahayn in ay dhamaystirka xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee soo wajahday kooxda.

Chelsea ayaa haatan ku dhibaatoonaysa sidii ay u sii wadi lahayd shaqaalaysiinta kooxda iyo waliba safarada ay kooxdu u bixi doonto tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here