Hordhac: Real Madrid Vs PSG.

0
254

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda PSG kulan xiiso leh oo si weyn loo wada sugayo kana tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan natiijadii lugtii hore oo 1/0 luuga badiyay lugtii ka dhacday France.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa kulanka soo galaysa in ay sii xaqiijiso natiijadii lugtii hore iskana xaadiriso wareega 8 dhamaadka tartanka champions League

Kulanka: Real Madrid Vs PSG

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Santiago Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Real Madrid ayaa la reebay 9 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kulamada bug baxa tartanka champions League marka laga badiyo lugta 1-aad.

PSG ayaa la reebay 3 ka mid ah 8-kii kulan ee kulamada bug baxa champions league marka ay badiyaan lugta 1-aad kaliya Real Madrid (6) iyo Barcelona (5) ayaa kaga badan rikoodhkan.

Kooxda Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti galisay PSG tartamada yurub.

PSG ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions league marti u noqotay kooxaha reer Spain laakiin guushii ugu dambaysay ayaa timid xilli ciyaareedkii hore markii ay Barcelona 4/1 ku xasuuqeen iyaga oo jooga Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here