Roobaab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Brazil oo sababay dhimashada 217 qof.

0
275

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Rio de Janeiro ee dalka Brazil, ayaa sababay dhimashada 217 iyadoo la waysan yahay 33 qof oo kale sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ahi.

Maamulka gobolka ayaa wada Dadaalada samatabixinta lagu baadigoobayo dadka maqan.
Guddoomiyaha gobolka Rio de Janeiro Claudio Castro ayaa sheegay in gobolka uu ka da’ay roobkii ugu badnaa tan iyo 1932-kii.

In ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay masiibo ka dhacday gobolkan 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here