Qorshaha Real Madrid Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday.

0
276

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso n ay ugu cad-cadaato suuqa kala iibsiga una dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Kylian Mbappe & Erling Haaland suuqa xagaaga.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay dhisto koox awood u sheegata yurub 10 sano ee soo socota waxana ay doonaysaa in ay kooxdeeda xoojiso marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay qaab xor ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Mbappee kaas oo ay 4 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda PSG.

Dhanka kale xiddiga Haaland ayaa lagu bur-burin karaa heshiiskiisa lacag dhan 68 milyan oo euro waxana ay u aragtaa lacag aad u jaban marka loo eego tayada xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku kalsoontahay in ay labada xiddig keeni doonto Bernabue marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan kuna xoojiso kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here