Man City Oo Go`aan Cusub Ka Gaartay Mustaqbalka Raheem Ee Qalcadda Etihad

0
265

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu fasax u siiyay kooxda inay isku dayaan inay heshiis cusub ka saxiixdaan Raheem Sterling.

27 jirkaan ayaa mustaqbal aan la hubin ku wajahaya Etihad wuxuuna heshiiskiisu dhacayaa 2023, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona xilli uu ku dhibtoonayay inuu si joogta ah ugu soo bilowdo kulamada Man City.

Raheem ayaa wadar ahaan sameeyay 13 gool iyo shan caawin 32 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Guardiola ayaa go’aansaday inuu Sterling ku sii haysto Etihad, wuxuuna iftiimiyay inuu heshiis cusub u ogol yahay laacibkaan hore Liverpool

Wara waxa uu leeyahay , hadii laacibka uu diido in hishiis cusub uu saxiixo waxa ay kooxda City go`aansatay in aysan ku iibin wax ka yar 50 milyan oo euro

Sterling ayaa haatan dhaliyay 127 gool , 91 caawin ahna wuu sameeyay ka dib 324 kulan oo uu saftay shaadhka Man City waxana uu kula guulaystay saddex koob oo Premier League ah, shan EFL Cup iyo hal FA Cup tan iyo markii uu yimid 2015kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here