Koox Ingiriiska Oo Hogaamineysa Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Fabian Ruiz

0
209

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay inay Fabian Ruiz kala soo wareegto Napoli xilli ay diyaar u yihiin heshiis 16 milyan ginni ah si ay u helaan xagaagan.

Gunners ayaa la filayaa inay suuqa u gasho ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah ka hor inta uusan dhicin qandaraaska Mohamed Elneny, iyadoo Granit Xhaka uu sidoo kale wali ku jiro raadaarka Roma.

Ciyaartoyda sida Kalvin Phillips iyo Sergi Roberto ayaa labadoodaba lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Arsenal, kuwaasoo sidoo kale loo maleynayo inay isku diyaarinayaan in ay Lucas Torreira heshiis joogto ah ugu diraan kooxda Fiorentina.

Haatan, The Mirror ayaa sheegeysa in Arsenal lagu wargaliyay helitaanka Ruiz ka dib markii 25 jirkaan uu diiday fursad uu ku kordhin lahaa qandaraaskiisa Napoli kaasi oo ku siman xagaaga 2023-ka

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in wakiilada Arsenal ay durba la xiriireen kooxda Ruiz, iyadoo ay u badan tahay in 16 milyan ginni ku filnaato in looga soo wareejiyo Napoli

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu taageere weyn u yahay Ruiz, kaasoo sidoo kale soo jiitay indhaha Barcelona iyo Real Madrid xilliUnited iyo Liverpool-na ay isha ku hayaan

Ruiz ayaa ku faanay shan gool iyo seddex caawin 20 kulan oo Serie A ah oo uu u saftay Napoli xilli ciyaareedkan, waxaana kooxda reer Talyaani ay 27 milyan ginni kaga soo iibsatay Real Betis 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here