Hordhac: Man City Vs Tottenham.

0
536

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka ugu xiisaha badan premier League ayaa ah midka dhex mari doona kooxaha Man City iyo Tottenham kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad kana dhici doona garoonka Etihad.

Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho guul ay ku sii dheeraysato dhibcaha ay ka horayso kooxda Liverpool kuwaas oo kula tartamaya horyaalka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Tottenham oo ku jirta qaab ciyaareed liita kulamadii ugu dambeeyay ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah iyaga oo doonaya in ay garaacaan Man City.

Kulanka: Man City Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Etihad

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne ayaa ku lug lahaa todobo gool sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League (shan gool iyo labo caawin). Goolkiisa xiga ayaa noqon doona goolkiisii ​​50-aad ee guud ahaan tartankan, isaga oo noqon doona xiddigii 4-aad ee reer Belguim ah ee rikoodhkaas gaadha kadib Romelu Lukaku, Christian Benteke iyo Eden Hazard.

Tottenham Hotspur ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay wajahday Man City inkasta oo ay dhamaan guulahaas ku gaadhay garoonkooda, kadib markii ay badiyeen kulankii lugta hore ee xilli ciyaareedkan waxa ay raadinayaan in ay laba kulan ka badiso Man City markii ugu horaysay premier League.

Xiddiga Tottenham ee Son Heung-min ayaa lix gool ka dhaliyay Man City sideedii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay goolka guusha kulankii todobaadka furitaanka xilli ciyaareedkan.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii shanaad ee ay kulmaan Pep Guardiola iyo Antonio Conte tartamada oo dhan. Xilli ciyaareedkii 2016/17, Conte waxa uu noqday tababarihii ugu horeeyay ee laba jeer ka badiya Guardiola halka Guardiola uu labadii kulan ee uu ka hor tagay xilli ciyaareedkii xigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here