Shirkadda Apple oo lagu eedeeyey in qalab ay samaysay la isku basaaso

0
589

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)ShirkaddaApple waxa ay qorshaynaysaa in ay soo bandhigto tiro isbedelo ah si ay u adkeyso in aan si khaldan loo isticmaalin adeegga AirTags oo la sheegay in dadka qaar lagu basaaso.

Aaladdan oo cabbirka badhanka oo kale ah waxaa loogu talagalay inay la shaqeeyaan aaladaha shirkadda Appke si loo helo walxaha lumay.

Shirkaddu waxay sheegtay in isbeddellada ay ku samaysay aaladda ay fududayn doonto in la helo calaamadaha shakiga leh, isla markaana ay hore uga digtoonaadaan isticmaaleyaasha in AirTag uu la socdo.Bishii Janaayo, tiro haween ah ayaa BBC-da u sheegay in lagu soo raacay isticmaalka AirTags

Apple ayaa bilaabay barnaamijak AirTags bishii Abriil ee sannadkii hore. Aaladdan yar waxaa lagu dhejin karaa shandadda ama furayaasha – wax kasta oo aad waayi karto.
Laakin aaladaha waxaa si khaldan loogu isticmaali karaa in dadka loogu qariyo baabuurta, ama shay gaar ah sida boorsadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here