Real Madrid Oo Heshay Cid Ka Caawisa Saxiixa Haaland.

0
536

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dadaalada ay Real Madrid ku doonayso saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland waxa caawin doona shirkada soo saarta maaliyadaha ee Adidas.

Los Blancos ayaa la filayaa in ay ka mid ahaato kooxo badan oo doonaya saxiixa xiddiga 21 jirka kana mid yihiin Man City, Barcelona, Man United, chelsea iyo PSG.

Real Madrid ayaa sidoo kale la filayaa in ay la soo saxiixdaan Kylian Mbappe xagaaga marka uu heshiiskiisa kooxda PSG dhoco waxana la filayay in ay isaga hadhaan baacsiga Haaland.

Laakiin wargayska Bild ayaa sheegaya in Haaland oo dhawaan heshiis u saxiixay shirkdada Adidas ay ku qancin karto xiddiga in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga.

Adidas ayaa ah shirkada soo saarta maaliyada Real Madrid waxana ay doonayaan in uu xiddiga reer Norway ku biiro Real Madrid xagaaga halkii uu ku biiri lahaa koox kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here