Hordhac: Norwich City Vs Man City

0
547

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Norwich City kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Carrow Road.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha premier League si ay u si xoojiyaan fursadohooda ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dhanka kale Norwich City ayaa u dagaalamaysa sidii ay uga sii qayb ahaan lahayd premier League xilli ciyaareedka dambe waliba ayna uga hadhin tartanka.

Kulanka: Norwich City Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Carrow Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Riyad Mahrez ayaa gool dhaliyay mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray kooxda Man City tartamada oo dhan – xiddigii ugu dambeeyay ee wax ka badan oo xiriir ah gool u dhaliyay kooxda waxa uu ahaa Sergio Aguero kaas oo dhaliyay 8 gool.

Man City ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 36-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay la ciyaartay kooxaha maalintaas ku jiray boosaska looga hadho premier League guuldaradaas ayaana ka soo gaadhay Norwich City September 2019.

Norwich ayaa dhalisay lix gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League waana in ka badan intii ay dhaliyeen 15-kii kulan ee hore.

Kooxda Norwich City ayaa laga badiyay 13 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay wajahaan kooxda difaacanaysa premier Leagie Marka laga reebo laba guuldaro oo ay kala kulmeen Norwich City bishii May 2013 iyo September 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here