Arsenal Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikodh 32 Sano Jir Ah Kulanka Wolves.

0
245

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay iska ilaaliso in ay bar-barayso rikoor 32 sano ah oo gool la’aan ah marka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Wolves Premier League.

Gunners ayaa ku dhibaatootay dhanka weerarka tan ilaa bilowgii sanadkan iyaga oo aan wax guul ah gaadhin inkasta oo ay ciyaareen 5 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Goolkii uu Dhaliyay Bukayo Saka kulankii Man City bilowgii sanadkan ayaa ah Goolka kaliyaee ay Arsenal dhalisay sanadka 2022 iyada oo ayna kooxda Arteta wax gool ah ka dhalin kulamadii Nottingham Forest, Liverpool (2) iyo Burnley.

Hadii ay Arsenal ku fashilanto in ay gool dhaliso kulanka Wolves ee caawa waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay tan ilaa 1989/1990 ee ay Arsenal ku fashilanto in ay gool dhaliso 5 kulan oo xidhiidh ah.

Arsenal ayaa kulanka Khamiista soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad iyaga oo hadii ay badiyaan gali kara kaalinta 4-aad lana dhibco noqon kara kooxda Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here