Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Burnley,

0
260

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa Kooxda Burnley kuwaas oo difaacanayay waliba doonayay in ay hal dhibic ka helaan kulanka.

Red Devils ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo si weyn uga awood bandaa kooxda ay martida u yihiin kuwaas oo aan qaadayn wax weeraro ah.

Daqiiqadii 18-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay Xiddiga Paul Pogba kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Man United ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay ciyaarta ku disho xilli ay Burnley qaadaysay weeraro rogaal celis ah si ay u keento goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 47-aad ayay Burnley dhalisay goolka bar-baraha waxnaa u dhaliyay xiddiga Jat Rodriquez kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa la wareegtay ciyaarta iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka ay ciyaarta ku badinayaan.

Laakiin Burnley ayaa difaac adag hor dhigatay goolkeeda iyaga oo u dagaalamayay hal dhibic ee ay ka helayaan kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United mar kale iska lumisay dhibco muhiim ah oo ay ku xejisan kartay horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here