Man United Oo Xiddig Ka Doonaysa Juventus.

0
511

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Bayern Munich iyo Barcelona kula tartanto saxiixa daafaca dhexe ee Juventus Matthijs de Ligt inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

22 jirkaan ayaa 98 kulan u saftay Old Lady tan iyo markii uu kaga yimid Ajax bishii Luulyo 2019, oo ay ku jiraan 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2021-22.

De Ligt ayaa wali labo sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa Turin, laakiin wakiilkiisa Mino Raiola ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands uu u furan yahay inuu ka tago Juventus mustaqbalka dhow.

Bayern iyo Barcelona ayaa lala xiriirinayay daafaca dhexe ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan, laakiin sida laga soo xigtay Calciomercato, waxaa sidoo kale xiiso ka helaya Man United.

Kooxda heysata 20-ka jeer ee Ingariiska ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneysay inay De Ligt ka soo qaataan Ajax sanadka 2019, laakiin Old Lady ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay tartankii saxiixiisa.

Harry Maguire, Victor Lindelof iyo Raphael Varane ayaa dhamaantood qayb ka noqon doona qaybta difaaca ee Man United xilli ciyaareedka soo socda, laakiin Eric Bailly iyo Phil Jones ayaa laga yaabaa inay kooxda ka tagaan xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here