Bisad si weyn loogu soo dhaweeyay Aqalka Cad ee Mareykanka

0
282

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Qoyska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay bisad labo jir ah oo lagu magacaabo Willow.

Afhayeen u hadlay marwada koowaad ee dalka Maraykanka Jill Biden, ayaa sheegtay in mukulaasha cusub loogu magac daray magaaladii ay ku dhalatay ee Willow Grove, Pennsylvania.

Bisadan ayaa ah midii ugu horreysay ee ku noolato Aqalka Cad tan iyo maamulkii George W.Bush, taasi oo sababtay in Willow si weyn loogu soo dhaweeyo Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sawirada bisadda, oo timo gaaban leh iyo indho cagaaran, ayaa waxaa Twitterka ku baahiyay afhayeenka marwada koowaad ee Mareykanka Jill Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here