Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxaa si kordhaya wararka sheegaya in Barcelona hishiis shaqsiyadeed ay la gaareen Franck Kessié kaasi oo qaab xor ah xagaagaan uga tagaya AC Milan
Radio Catalonia ayaa sheegaya in Barcelona iyo Franck Kessié ay wada gaareen hishiiska afka ah
Waxa ay wrara badan isku raaceen in Franck Kessié yahay xiddiga Barca ah waxa uuna hishiiskiisa Milan dhamaanayaa xagaaga balse Janauray ayuu kooxda uu doono la hishiisn karaa
Sababta fashilisay in Milan hishiis la gaaraan Franck Kessié ayaa lagu sheegay dhanka mushaarka sanadlaha ah ee uu dalbanayo kaasi oo gaaraya in ka badan 8 milyan oo euro oo ay sii dheer tahay gunnooyin
Franck Kessié waxaa horay loola xariirinayay PSG , United ,Liverpool , Aresenal iyo Juventus , waxaana haatan la isku raacay in Barca uu u saxiixayo hishiis gaaraya 3 sano