Anthony Martial Oo Ka Degay Iyo Waqtiga Sida Rasmiga Ah Loogu Dhawaaqayo Heshiiskiisa

0
204

Xiddiga Manchester United ee Anthony Martial ayaa gaadhay waddanka Spain oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo kooxda kubadda cagta Sevilla.

26 jirkan ayaa maanta ka duulay UK kaddib markii ay labada kooxood ee Manchester United iyo Sevilla ay heshiis ku gaadheen in laacibkani uu amaah lix bilood ah ugu wareego kooxda reer Spain.

Sevilla ayaa bixin doonta £5 milyan oo Gini oo ay siin doonto Manchester United iyo mushaharka laacibkan oo ay gebi ahaanba bixin doonto. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya in Sevilla ay kaliya bixin doonto mushaharka Anthony Martial oo toddobaadkii ah £240,000 Gini, balse aanay wax lacag ah siinayn Man United.

Salaasadii maanta ayaa uu Martial maray tijaabada caafimaadka, waxaana marka ay natiijadu soo baxdo si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa heshiiskiisa oo kaliya ahaanaya amaah aanay la socon iib.

Tababare Julen Lopetegui oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga jirto horyaalka LaLiga, afar dhibcoodna ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka haysa ayaa rajaynaysa inuu wax badan kusoo kordhin doono laacibkan reer France.

Anthony Martial ayaa sannadkii 2015kii waxa uu noqday ciyaartoyga ugu da’da yar ee ugu qaalisan adduunyada kaddib markii ay Manchester United kasoo bixisay £54 milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay kooxda reer France ee Monaco.

Xilli ciyaareedkan socda ayaa uu inta badan ku qaatay kursiga kaydka, dhaawacyo iyo marar liiska kooxda laga reebay, waxaana 11 ciyaarood oo uu intooda badan beddel kusoo galay oo uu saftay uu dhaliyey hal gool oo kaliya.

Tiro kooxo waaweyn oo Yurub ah ayaa xiisaynayay laacibkan, hase yeeshee isaga ayaa doortay inuu tago Sevilla, halka Aston Villa oo dalab macquul ah usoo bandhigtayna uu si cad iskaga diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here