Ninkii indhoolaha ah ee sameeyay shirkad qiimaheedu yahay $650 milyan oo doolar

0
392

Srikanth Bolla waxa uu isu diyaarinayaa filim ay ka sameyneyso shirkadda Bollywood-ka, kaasoo ku saabsan noloshiisa.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa maamule ka ah shirkad uu dhisay oo qiimaheeda uu ku kacayo £48 milyan oo gini oo u dhiganta ku dhawaad $650 milyan oo doolar – balse arrintaas ayaa ku dhawaatay ina aysan suurtagalin.

Isagoo dhowr iyo toban jir ah, ayaa Srikanth loo sheegay inay sharci darro tahay inuu dugsiga sare ka barto xisaabta iyo seyniska maadaama uu indhaha naafo ka yahay, sidaas darteedna waxa uu dacwad maxkamadeed ka gudbiyay dowladda gobolka, si waxbarashadiisa loogu oggolaado, sida ay kusoo warrantay weriyaha BBC, Arundhati Nath.

Muddo siddeed sano ah ayuu maalin kasta Srikanth Bolla oo lix jir ah u lugeynayay iskuul dhowr kiiloo mitir u jira oo ku yaalla baadiyada Hindiya, waxaana hagi jiray walaalkiis iyo arday kale oo ay isku fasal ahaayeen.

Waddada waxa ay ahayd mid dhiiqo badan, oo ay daadad mari jireen marka ay fatahaadaha dhacaan. Ma ahayd waqti farxad leh.

“Ma jirin qof ila hadlay, maadaama aan ahaa cunug indhaha naafo ka ah,” ayuu yiri.

Waxaa dhalay waalidiin sabool ahaa oo aan waxba baranin, sidaas awgeedna waxaa lagu faquuqay bulshada dhexdeeda.

“Waalidiinteyda waxaa loo sheegay in aanan xitaa waardiye u noqon karin gurigeyga mar haddii aanan arkin karin haddii uu eg kasoo galo albaabka.

“Dad badan ayaa waalidkeyga u imaan jiray iyagoo ka dalbanaya in ay igu dilaan barkin sanka iyo afka la iga saaro,” ayuu yiri ninka hadda 31 jirka ah.

Waxaa oo dhan way iska dhaga tireen waalidiintiisa, waxayna siin jireen taageero buuxda, markii uu siddeed sano gaarayna, Srikanth aabihiis ayaa u sheegay inuu u hayo war xiiso badan.

Srikanth waxaa boos looga helay iskuul xannaano ah oo acrruurta indhaha naafada ka ah wax lagu baro, sidaas awgeedna qoyska waxay u guureen magaalada ugu dhaweyd ee lagu magacaabo Hyderabad, taasoo meesha ay dagganaayeen u jirtay qiyaastii 249 miles (400km).

Xilligaas, magaaladan waxa ay ka tirsaneyd gobolka Andhra Pradesh.

Inkastoo uu aad uga fogaanayay waalidiintiisa, Srikanth aad buu u xiiseeyay iskuulka, si deg deg ah ayuuna u sal dhigtay.

Waxa uu bartay sida loo dabaasho, sida loo ciyaaro chess-ka iyo waliba kubadda cricket-ka, taasoo uu ku ciyaarayay kubadda shanqar sameyneysa si uu u fahmo meesha ay mareyso.

“Wax walba waxay ku xiran yihiin gacmaha iyo dhagaha,” ayuu yiri.

Srikanth wuu ku faraxsanaa inuu sameeyo waxyaabaha hiwaayaddiisa ah, balse waxa uu sidoo kale ka fikiri jiray sida uu mustaqbalkiisa noqon karo.

Mar walba waxa uu ku riyoon jiray inuu noqdo ingineer, waxa uuna ogaa inay taas ku baahan tahay barashada seyniska iyo xisaabta.

Markii la gaadhay waqtiga, waxa uu xushay maaddooyinkaas muhiimka ah, balse iskuulkiisa ayaa ku dhahay “maya”, waxaana lagu wargeliyay inay tahay sharci darro.

Iskuullada Hindiya waxaa maamula ururro kala duwan, mid walbana waxa uu leeyahay sharci u gaar ah. Qaarkood waxay hoos tagaan maamul goboleedka ama dowladda dhexe, qaarna si gaar ah ayaa loo leeyahay.

Iskuulka Srikanth waxaa gacanta ku hayay guddiga maamul goboleedka Andhra Pradesh, sharcigiisuna waxa uu ahaa in aan carruurta indhaha naafada ka ah la barin xisaabta iyo seyniska, maadaama lagu barto waxyaabo adag oo ay ka mid yihiin kuwo la sawirayo.

Waxaa loo oggolaa inay taas baddalkeeda bartaan farshaxanka, luuqadaha iyo culuumta bulshada.

Sanadkii 2007-dii ayuu Srikanth galay xaalad walwal ah isagoo caqabad kala kulmay xeerkan oo iskuullada aysan ka wada sinneyn.

Mid ka mid ah macallimiintiisa, oo lagu magacaabo Swarnalatha Takkilapati, ayaa sidoo kale la walbahaaray, waxa uuna ardaygiisa yar ku dhiirrigeliyay inuu tallaabo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here