Arsenal Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh 60 Sano Ah Kulanka Burnley

0
259

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay ka fogaato in ay bar-barayso rikoodh 60 sano ka hor ay dhigtay marka ay Emirates ku marti galin doonto kooxda Burnley kulan ka tirsan premier League.

Gunners ayaa bilaa guul ah tartamada oo dhan tan ilaa bilowgii sanadkan iyada oo ka hadhay koobabka Carabao cup-ka iyo FA Cup-ka muddo bil dhexdeed ah.

Kulankii ugu horeeyay ee ay Arsenal ciyaartay sanadka 2022 ayaa ahaa midkii ay guuldarada kala kulantay kooxda Man City kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Hadii ay ku fashilanto in ay guul ka gaadho kooxda Burnley waxa ay bar-barayn doontaa rikoodh ay dhigtay sanadkii 1962 tartamada oo dhan.

Arsenal ayaa sanadkaas ku fashilantay in ay wax guul ah ku gaadho horyaalka premier League labadii kulan ee ugu horeeyay ee ay ku ciyaartay.

Waxa intaas sii dheer in ay 10 sano ka soo wareegtay markii ay Arsenal guuldaro kala kulanto labada kulan ee ugu horeeya horyaalka premier League ee sanadka markaas oo ay guuldarooyin kala kulantay kooxaha Fulham iyo Swansea sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here