Xog Cusub oo ku saabsan Mustaqbalka Arteta Ee Arsenal

0
454

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Arsenal ka fikarayaan in hishiis cusub siiyaan macalin Arteta ka hor inta xilli ciyaareedka uusan dhamaan

Hishiiska haatan Arteta ee Arsenal ayaa ku siman sanadka 2023-ka

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Arsenal damacsan yihiin in muddo dheer sii haystaan macalinkaan oo ay u arkaan mid wax ka badali kara xaaladda kooxda

Inkastoo Arsenal labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay booska 8-aad galayeen hadana maamulka kooxda aragti kale ayay wataan oo ah in macalinkaan uu kooxda cagta u saari karo wadada saxda ah .

Arinta ugu weyn waxa ay tahay , in Arteta uu ku wanaagsan yahay maamulka qol dharbadaslahada waxa uuna ciyaartooyda kooxda ku qaniyay in ay dhimaan mushaarkooda ka dib dhibatadii dhaqaale ee uu karoonaha reebay

Tababarahaan 39 sano jirka ah ayaa dhankiisa ku faraxsan in hishiis fog u saxiixo kooxdaas waxaana loo kordhinayaa mushaarkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here