Madaxweynihii hore ee dalka Mali oo geeriyooday

0
260

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynihii hore ee dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keïta, ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu ahayd 76 jir sida ay sheegeen qoyskiisa iyo saaxiibbadii.

Sanadkii la soo dhaafayayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga hase yeeshee hadda lama xaqiijin xanuunka dhabta ah ee uu u geeriyooday isagoo ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mr Keïta ayaa dalka Mali hoggaaminayay muddo toddobo sano ah oo ku eked sanadkii 2020-kii wakhtigaas oo xilka loogu tuuray afgambi kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here