Shaxda Ay Real Madrid Caawa Kaga Hor Tagi Doonto Barcelona Semi-final-ka Spanish Super Cup

0
453

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka sanadkan.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa horay u watay dhamaan hubkiisa culus isaga oo doonaya in uu iska xaadiriyo final-ka tartanka ay doonayaan in ay ku guulaystaan.

Ancelotti iyo kooxdiisa ayaan ka cabanayn wax dhaawacyo ah marka laga reebo xiddigaha Gareth Bale iyo Mariano oo ah labada xiddig ee seegi doona kulanka caawa.

Real Madrid oo kulamadii ugu dambeeyay kabaha la dumari jirtay Barcelona ayaa doonaysa in ay sii dheeraystaan guulaha ay ka gaadhaan kooxda Barcelona oo aan xilli ciyaareedkan ku jirin xaal fiican.

Tababaraha Real Madrid ayaa la filayaa in uu kulanka ku soo galo shaxdiisa ugu adag iyada oo ay weerarkiisa hogaamin doonaan xiddigaha Asensio, Benzema iyo xiddiga wacdaraha dhigaya ee Vinicius Jr.

blog_image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here