Wolves Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Man United Ee Ruben Neves

0
248

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Wolves Bruno Lage ayaa ku adkeysanaya in kooxdu aysan dooneynin inay iibiso bartilmaameedka Manchester United ee Ruben Neves – ilaa ay ka helaan dalab aad u sareeya oo aan la diidi karin.

Red Devils ayaa doonaya in ay xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda inta lagu jiro suuqa January waxana ay bartilmaameedsadeen xiddiga Ruben Neves iyaga oo isku diyaarinaya dalab 35 milyan ah.

Laakiin Tababaraha Wolves ee Lag ayaa sheegay in ayna 35 milyan ahayn mid u dhaw lacagta ay Wolves ku qiimayso xiddiga iyada oo kooxdu doonaysa in ay sii haysato xiddiga oo muhiim u ah kooxdooda.

Tababaraha Wolves oo ka hadlaya xiisaha Man United ee Neves ayaa yidhi”Marka aad doonaysid in aad qaadin talaabada xita waliba aad iibinayso xiddigaaga ugu fiican, talabaada xigta way dhici kartaa”.

“Waxa aan dhisaynaa mashruuc fiican sidaas darteed  waa in aan helno dalab sareeya si aan u fasaxno Neves”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here