Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk oo is casilay

0
291

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay.arrintaa ayaa timid kadib markii uu caawa khudbad u jeeday shacabka Suudaan taas uu uga hadlaayay xaaladda Dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay siduu wax uga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Suudaan laaki aysan u suurta gelin ka mira dhalinteeda.
Maalmahaan waxaa dalka Suudaan ka socday bannaan baxyo looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee ciidmadu sameeyeen.

Dadka sameenaayay bannaan baxyada ayaa dalbanaayay xukuumad rayid ah iyo in ciidmadu faraha kala baxaan siyaasadda dalka,dhowr jeer waxaa la jaray adeegyada internet ka si loo xakameeyo bannaan baxyada, waxaana la xiray dad badan oo ka qeyb qaadanaayay mudaaharaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here