Heya’adda socdaalka dalka Sweden oo sheegtay 27,340 qof oo u dhashay dalka Suuriya la siiyey dhalashada dalka Sweden

0
308

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Warbixin ay bixisay Heya’adda socdaalka dalka Sweden ayaa lagu sheegay in sanadkii 2021 dhalashada dalka Sweden  la siiyey 27,340 qof oo u dhashay Suuriya.

Sida lagu sheegay isla warbixinta waxa sidoo kale dhalashada dalkaas la siiyey 4,067 qof oo Soomaali ah iyo 3,471 qof oo u dhashay dalka Eleteriya.

Warbixintu waxa ay sheegtay in ka dib qulqulka muhaajiriinta Yurub ku soo qulqulaya sanadkii 2015, tirada dadka Suuriyaanka ah ee helay sharciga degenaanshaha iyo shaqada ee Sweden ay kordheen ilaa 150,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here