Koox Premier League Ah Oo Arsenal La Furtay Wadahadalo Ku Aadan Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

0
700

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal la furtay wadahadalo Rasmi ah oo ku aadan saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Newcastle qaab amaah ah ku doonayso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang iyada oo xagaaga lacag 20 milyan ah kula wareegi doonta xiddiga.

Kooxda Newcastle United ayaa doonaysa in ay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ku badbaadiso xilli ciyaareedkeeda iyaga oo u dagaalamaya in ay sii joogaan horyaalka premier League.

Maalmaha Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal ayaa u muuqda kuwo soo dhamaanaya iyada oo uu xiddigu u ciyaari karo Newcastle United marka uu ka soo laabto waajibaadka xulka qarankiisa.

Dhanka kale kooxda Newcastle ayaa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang u diyaarinaysa mushahar waali ah kaas oo uuna diidi karin kagana mid noqon karo xiddigaha ugu mushaharka badan England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here