Xiddigaha Luka Modric iyo Marcelo ayaa laga helay xanuunka Korona sida ay xaqiijisay kooxda Real Madrid taas oo la macno ah in ay seegi doonaan kulamada soo socda ee kooxdooda.
Xiddiga khadka dhexe ee Modric ayaa muhiim ka ah kooxda Los Blancos marka loo bar-bar dhigo Marcelo oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan.
Xiddigaha Luka Modric iyo Marcelo ayaa seegi doona ugu yaraan 2-da kulan ee soo socda kadib markii laga helay xanuunka Korona taas oo war xun u ah Tababare Ancelotti iyo Real Madrid.
Sida laga soo xigtay Goal, xiddigaha Marcelo iyo Modric ayaa seegi doona kulamada horyaalka La Liga ee ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxaha Cadiz (December 19) & Athletic Bilbao (December 22).
Labadaas kulan ayaa ah labada kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxda Real Madrid ciyaari doonto sanadka 2021 waxana ay kadib gali doonaan fasaxa ciida gaalada oo ay ku maqnaan doonaa ilaa bilowga January.