Hordhac: Man City Vs Man United

0
90

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isaga hor iman doona Wembley kulan ka tirsan Final-ka FA Cup-ka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya koobkoodii 2-aad ee xilli ciyaareedkan xilli ay doonayaan kor u qaadista koobka FA Cup-ka.

Kulanka: Man United Vs Man City

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kani waa finalkii ugu horeeyay ee abid dhexmara Kooxaha Man United iyo Man City.

Manchester United ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup oo ay wajahday Manchester City, waxaana ugu danbeysay 3-2 oo ay ka badiyeen bishii January 2012, Kulanka kaliya ee ay Man City badisay ayaa ahaa mid dhacay 2010/2011 kulan Semi-final-ka ahaa.

Kaddib hanashada horyaalka Premier League, Man City ayaa ku guuleysan karta horyaalka iyo FA Cup-ka markii labaad ee taariikhdeeda – kaddib 2018/19. Waxay noqon doontaa kooxdii seddexaad ee sidaas sameysa in ka badan marar badan ka dib Man Utd iyo Arsenal.

Kadib markii ay ku guulaysteen koobka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay ku guulaysato laba koob oo maxali ah xilli ciyaareed kaliya markii ugu horaysay.

City ayaan wali wax gool ah laga dhalin xilli ciyaareedkan FA Cup-ka. Tan iyo 1888-89 kaliya labo kooxood ayaa ku guuleystay koobka iyadoo aan wax gool ah laga dhalin – Preston North End 1889 iyo Bury 1903dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here