Sevilla Oo Markii 7-aad Ku Guulaystay Europa League.

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Sevilla ayaa ku guulaystay koobka Europa league kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen kooxda AS Roma kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Puskas Arena.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo koox walba dhinaceeda u doonaysay in ay kor u qaado koobka.

Kooxda Roma ayaa ciyaaraysay difaac isla markaas qaadaysay weeraro rogaal celis ah xilli ay Sevilla maamulaysay ciyaarta kuna fiicnayd dhinaca kubad haysashada.

Daqiiqadii 34-aad ayay AS Roma dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Paulo Dybala kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhiay 1/0.

Qaybta dambe ayay Sevilla ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay Sevilla heshay goolka bar-baraha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Gianluca Mancini kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Labada kooxood ayaa 120 daqiiqo isku mari waayay ciyaarta waxana ay isla aadeen rikoodhayaal.

Waxa rikoodhayaal ku qaatay ciyaarta kooxda Sevilla oo markii 7-aad ku guulaystay tartanka Europa League taariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here