Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Borussia Monchengladbach

0
119

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Monchengladbach ee Manu Kone xagaagan.

Kone waxa uu si joogta ah uga dhex muuqday khadka dhexe ee Gladbach, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Iyadoo James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Naby Keita ay dhamaantood ka tagayaan Liverpool marka uu qandaraaskoodu dhaco xagaaga, kooxdu waxay raadineysaa bedelka khadka dhexe.

Sidaa darteed, BILD ayaa sheegaysa in Liverpool ay xiiso weyn u qabto xiddiga reer France, gaar ahaan ka dib markii ay ku fashilmeen saxiixa Jude Bellingham.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Borussia Gladbach dalban doonto lacag dhan 40 milyan oo euro ka hor inta ayna Liverpool la fadhiisan miiska wadahadalada.

Kone ayaa Gladbach kaga soo biiray kooxda Toulouse sanadkii 2021 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here