Lionel Messi Oo Jabiyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Kaga Horeeyay.

0
91

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa sii wada samaynta taariikhda kadib markii uu dhaliyay gool kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay kooxda Starsbourg kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Goolka uu Messi dhaliyay ayaa la macno in uu Messi dhaliyay goolkiisii 496-aad ee xirfadiisa ciyaareed 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Sidaas darteed Messi ayaa dhaafay xiddiga ay sida weyn u xafiilyamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo markii hore ahaa xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa markii hore ahaa xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub isaga oo lahaa 495 gool.

Laakiin Messi ayaa haatan jabiyay rikoodhkaas waxana uu haatan noqday xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn isaga oo dhaliyay 496.